Dowlada Jabuti oo ka hadashay 7-Askarteeda ka mid ah oo la dilay

Jabuuti ayaa sheegtay in toddobo ka mid ah askarteeda lagu dilay weerar ay koox fallaago ah gelinkii hore ee Jimcihii ku qaadday xero ciidan, iyadoo billowday in ay baadi-goobto lix askari oo wali la la’ yahay.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Jabuuti ayaa lagu eedeeyay weerarka lagu qaaday saldhiga Garabtiisan ee waqooyiga dalka yar ee ku yaalla Geeska Afrika in ay ka danbeeysay kooxda hubeysan ee FRUD (Front for the Restoration of Unity and Democracy), oo ay wasaaraddu ku tilmaantay “koox argagixiso ah”.

“Inkastoo ay askarteennu si geesinimo leh isaga difaaceen weerarkaasi, waxaa ku dhintay toddobo ka mid ah askarteenna, afarna waa ku dhaawacmeen, halka lixna la la’yahay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qoraal uu soo saaray ku canbaareeyey weerarka ay fallaagadu ku qaadday saldhigga ciidan, waxaana uu sheegay in dowladdu ay sharciga horkeeni doonto kooxda weerarka qaaday.

“Kooxdan burcadda ah ayaa caan ku ah falalka foosha xun ee argagaxisanimo iyo dhaca ay ka geysato deegaannada fog fog ee dalka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wasaaradda oo intaa ku daray in ay dadaallo badan ku bixinayaan in la helo kooxda dilka gaysatay iyo askarta maqanba.

Kooxda FRUD oo u badan qowmiyadda Canfarta ee Jabuuti ayaa sanadkii 1991-kii dagaal la gashay dowladda Jabuuti. Hase ahaatee mar danbe ayay kala jabtay iyadoo xisbiga FRUD uu qeyb ka yahay isbahaysiga UMP ee haya talada dalka Jabuuti ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, halka garabka hubeysan ee FRUD uu wali ku jiro dagaallo hubeysan.

Jabuuti oo ku taalla mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu mashquulka badan dunida ee ay badda cas ku kulmaan gacanka Cadan, ayaa martigelisa saldhigga kaliya ee Maraykanku ku leeyahay Afrika iyo saldhigga ugu weyn ee ciidamada Faransiiska uu ku leeyahay caalamka.