Gen. Odawaa ” Waan ka dhabeyn doonnaa hadafkii taliye Farxaan Qaroole ee ahaa in argagixisada la ciribtiro”.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ay xaqiijin doonaan in dalka laga ciribtiro argagixisada Al-shabaab lagana hortago dhagaraha qarsoon ay ummadda Soomaaliyeed umaleegayaan.

Sidoo kale, Generaal Odawaa, ayaa tilmaamay in ay ka dhabeyn doonaan hadafkii uu u god galay taliyihii booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan Qaroole ee ahaa in argagixisada laga ciribtiro guud ahaan dalkeenna.

“Waan ka dhabeyn doonnaa hadafkii taliye Farxaan Qaroole ee ahaa in dalkeena argagixisada laga cirib tiro” ayuu yiri taliyaha ciidanka Xoogga Gen. Odowaa Yuusuf Raage.

Taliyaha oo ka qeybgalay soo xirista gogosha tacsida taliyihii hore qeybta Booliska Gobolka Banaadir Generaal Farxaan ayaa carabka ku adkeeyay in wadada uu ku baxay marxuumka ay noqoto mid guuleysata oo argagixisada laga tir-tiro guud ahaan dalka.

Ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayuu ku ammaanay go’aanka iyo geesinimada ay ku wajaheen nabad-diidka ka dib dagaaladii guusha laga soo gaaray ee ka dhacay gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo qeybo ka mid ah gobolka Baay, maleeshiyada Al-shabaab ayaa laga saaray deegaano badan oo shacabka ay ku dhibaateyn jireen, xoolo baad ahna ay kaga qaadi jireen.

Xukuumadda Sooomaaliya ayaa balan qaaday in ay mudnaanta koowaad siin doonto la dagaallanka argagixisada caqabadda ku ah dowladnimada Soomaaliyeed, Wasaaradaha oo dhana ay kaalin ku yeeshaan dagaalkaas ka dhan ka ah argagxisada iyo xoreynta deegaannada ay haystaan.

IDIL NEWS