Kenya oo ku guuldaraysatay Shidaal baaristii Sharcidarada ahayd Ee ay ka waday Badda Somaliya

Kenya ayaa ku Guuldaraysatay shidaalkii ay sharci-darrada uga baaraysey dhul-badeedka Dalkeena Somalia,Dhul-badeedka ay Kenya sheeganaysey ayaa ku fadhiyey 100,000 KM oo laba jibaaran.

Lknse Kenya ayaa haatan ku Hungowday inay shidaal iyo gaas ka hesho qayb ka mid ah dhul-badeedkaas, sida uu qoray Wargeyska Daily Nation.

Hay’adda Tamarta iyo Shidaalka Kenya EPRa ayaa sheegtay in shirkadda ENI ay joojisey sahankii ay halkaa waddey bartamihii sanadkan,kaddib markii ay wax shidaal ama gaas ah ka waydey balooggaas .

Baaritaanka lagu sameeyey baloogga Mlima-1 ayaa lagu ogaadey inaysan waxba ku jirin, taasoo soo afjartay 10 sano oo ay Kenya ay si sharci-darro ah halkaas shidaal uga baaraysey, iyadoo fasaxa sahminta siisay shirkadda ENI sanaddii 2012-kii.

Kenya oo is lahayd ka faa’iidayso kala daadsanaanta Somalia ayaa damaacisay qaybo kamid ah badda somlia ,kadibna waxay kordhisey oo bilowday Hawlaha sahminta shidaalka aagga Lamu Basin sanadkii hore.

kenya iyo Shirkda eni ayaa ku hungoobay damacoodii shidaal raadinta ee dhul badeedka Somalia.

Abdirisak Jubba.