Ma dhabaa in Xabsiga loo dhaadhiciyay Xasan Daahir Aweys?

Gurigiisa lagama kaxayn,lagamana qaadin Taleefoonadiisii kaliya,waxaa laga hakiyay muuqaaladii Baraha Bulshada uu soo gelin jiray Aabaha argagixisada Geeska Afrika.

Warka la shaaciyay,waxaa loogu talagalay in lagu qaboojiyo dareenka Bulshadu ay ka bixisay muuqaaladiisa.

Sidoo kale Safaaradaha reer Galbeedka,ayaa la tusayaa in talaabo adag laga qaaday Xasan Daahir oo la aaminsan yahay in uu xiliganba ku jiro shaqo argagixiso.

Guri si weyn loo adkeeyay amaankiisa,ayuu kula nool yahay Xaaskiisa iyo Caruurtiisa.

Argagixisada ka hawlgasha Bartamaha iyo Koonfurta Dalka waxay ku dhex nooshahay sidii Kaluunkii musuq iyo Eexda ka jirta halkaas.

Jibril Qoobey.