Sanaag: Wiil dhalinyaro ah oo ku jira 30 saacadood God Dahab oo ku dumay

Maxamed Siciid, oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa muddo ka badan 30 saacadood ku xaniban God laga qodo dahabka oo ku yaalla deegaanka Milxo ee gobalka Sanaag.

Godka oo dherar ahaan gaaraya 30-Miter ayaa habeenkii khamiista ku dumay Maxamed, waxaana xanibay ciid iyo dhagxuun waa weyn.

Dadka deegaanka Milxo ayaa wada dadaalo lagu soo saarayo wiilkan, iyagoo qodaya godka. Ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta nolal iyo geeri mida uu ku sugan yahay wiilka dhalinyarada ah ee uu ku dumay godku.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in lagu dhow yahay hadda salka godka, lana filaya in la gaaro saaka.

Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland, Jaamac Deperani ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Dawladdu ay si dhow ula socoto dadaallada socda ee loogu gurmanayo wiilka uu godku ku dumay.

“Dowladdu si dhow ayeey ula socota xaaladda Maxamed Siciid oo uu ku hoos jira God dahab laga qodo oo kusoo dumay, deegaanka Milxo ee Gobolka Sanaag, Waxaan la hadalnay dadka deegaanka, Ciidanka deegaanka ku sugana howlgalka gurmadka ayeey ka qeyb qaadanayaan iyadoo Masuuliyiinta deegaanka ku metela Dowladda ay fududeynayaan shaqada socota.”

“Baahida ugu weyned waxay aheyd in Meshiinada, gaadiidka iyo wiishashka gurmadka kujira Shidaal joogto ah ay helaan, taasi oo loo dhameystiray.”

“Waxaan la dareenahay dadka deegaanka, ehelada iyo qoyska Maxamed Siciid oo aan so dhow ula socono xaaladooda, Waxaan rajeynaynaa in uu howlgalka si Guul ah kusoo dhammaado, anagoo alle uga baryeyna in Maxamed uu nabad kusoo Badbaado.”

IDIL NEWS