Taliska Ciidamada Badda Puntland oo Tacsi udiray Askarta Qaraxa ku dhimatay

Agaasimaha Guud ee Ciidamada PMPF Mudane Cabdirabbi Cabdisamed Maxamed (Abdulrab Nour)waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida ciidamada xaq u dirir ka ah ee ku shahiiday, iyagoo difaacaya diintooda, dalkooda iyo dadkoodaba, kuwaasi oo ku hawlanaa hawlgallo ka dhan ah cadawga Argagixisada xag-jirka ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee ciidamada PMPF Mudane Cabdirabbi Cabdisamed Maxamed waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Maxamed Siciid oo ahaa wiil dhallinyaro ah oo ku geeriyoodey god uu ka qodayey Dahab oo ku yaalla deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag. Alle naxariistii Janno haka waraabiyo, samir iyo iimaanna haka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay.