Aadan Madoobe u ambabaxay dalka Netherlands

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur ayaa maanta ka amba-baxay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo kusii jeeda magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa kulan kula qaadanaya magaalada Amsterdam dhiggiisa dalka Netherlands, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay Golaha Shacabka BJFS.

“Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Netherland waxaa uu la kulmi doonaa dhigiisa dalkaas, isagoona kulamo la qaadan doona Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.”

IDIL NEWS