Howlgallo ka soconaya Buuraleyda Gobalka Bari

Ciidamada Amniga Dawladda Puntland ayaa howlgallo culus ka wada buuraleyda gobalka Bari, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo aagag la tuhunsan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada ah.

Howlgallada oo ay iska kaashanayaan ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland, ayaa soconayay maalmihii lasoo dhaafay. Taliska Ciidabka Difaaca Puntland ayaa sheegay in howlgalladan lagu xaqiijinayo amniga.

Shalay ayay aheyd markii 5 askari oo kamid ahaa ciidamada PMPF Puntland ay ku geeryoodeen qarax kolonyo gaadiidka ciidamada ah lagula beegsaday agagaarka togga Sugurre ee buuraleyda gobalka Bari, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

In ka badan 10 sano ayay Ciidamada Puntland howlgallo joogto ah ka wadaan dhulka buuraleyda ah ee dhaca goballada Bari iyo Sanaag, kuwaas oo si dhuumaaleysi ah ugu nool yihiin maleeshiyaad katirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo dib uga soo biirtay.

Howlgallada ka soconaya dhulka buuraleyda ah ee goballada Bari ee Puntland ayaa kusoo aadaya xilli guluf dagaal oo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab uu ka soconayo qeybo kamid ah goballada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana argagixisada looga qabsaday deegaanno muhiim ah oo ay sannado badan gacanta ku hayeen.

IDIL NEWS