Maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab oo la Go’doomiyay

Maleeshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu go’doomiyay buur ku taalla deegaanka Jicibow, kaddib dagaal culus oo axaddii dhexmaray Ciidamada Dowladda oo garabsanaya dadka deegaanka iyo Al-Shabaab.

Dagaalka oo socday muddo 10-saacadood,ayaa la isku adeegsanayay Hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana Al-Shabaab looga dilay Maleeshiyaad gaaraya ilaa 200 oo xubnood.

Deegaanka Jicibow,ayaa qiyaastii 25-KM u jira Degmada Buula-burde ee Gobalka Hiiraan.

Dagaalka,ayaa yimid kaddib markii ay Al-Shabaab weerar kusoo qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada DFS iyo Jamhadda deegaanka ee loo yaqaan Macawisleyda.

Sidoo kale, Dagaalka,ayaa inta uu socday looga qabsaday Al-Shabaab maxaabiis fara-badan iyo saanad ciidan.

IDIL NEWS