Madaxweyne Deni oo magacaabaya Wasiiro cusub & Agaasimayaal Guud

Madaxweynaha dawladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda xil ka qaadis ku sameeyo qaar kamid ah Wasiirada Xukuumadda uu hoggaamiyo iyo Agaasimayaal guud.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Idilnews, in Madaxweyne Deni uu xilka ka qaadi doono Wasiirada Wasaaraddo ay kamid yihiin Caafimaadka, Dekeddaha iyo Warfaafinta, isagoo u magacaabi doono xubno cusub.

Sidoo kale, Siciid Deni ayaa bedeli doona Agaasimayaasha Wasaaraddaha Caafimaadka, Kalluumeysiga, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda, kuwaas oo arrimo siyaasadeed iyo kuwa hab qeybsiga beelaha xilalkooda ku weyn doona.

Madaxweynaha Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo ku aadan isbedelada uu soo wado la lahaa kuxigeenkiisa, Guddoonka Baarlamaanka iyo Isimmada beelaha qaar.

Dhowaan, Siciid Deni ayaa xilalka ka qaaday Wasiiradii Maaliyadda iyo Cadaallada, kuwaas oo lagu eedeeyay inay caqabad ku ahaayeen Geeddi-socodka dilmuquraadiyeynta, sidoo kale waxaa uu Wasiirkii Qorsheynta u bedelay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka Puntland.

IDILNEWS