Maraykanka oo si weyn uga carooday yaraynta wax soo saarka Saliida Ee Opec

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Debedda ee Golaha Senate-ka Maraykanka Robert Menendez ayaa Isniintii ku baaqay in la hakiyo dhammaan iskaashiga Maraykanka uu la leeyahay dalka Sucuudiga.

Menendes,ayaa si xooggan u muujinayey sida Maraykanku uu uga cadhooday tallaabadii uu Sucuudigu qaaday ee fursadda dhaqaale siinaysay dalka Ruushka.

Bayaan uu soo saaray Senator Menendez ayuu ku baaqay inaan wax hub ah laga iibin dalka Sucuudiga, islamarkaana la joojiyo iskaashiga amni ee ka dhexeeya labada dal, marka laga reebo arrimaha lagama maarmaanka u ah danaha Maraykanka iyo difaaca amniga qaranka.

Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa in ka badan 70 sannadood ah waxaa ka dhexeeya iskaashi dhinaca amniga ah iyo weliba heshiis dhinaca ganacsiga hubka ah.

Guddoomiyaha guddida arrimaha debedda ee golaha Senate-ka Menendez ayaa ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, waxaana laga soo doortaa gobolka New Jersey. Wuxuu wacad ku maray “inaanu taageeri doonin nooc kasta oo ah iskaashi lala yeesho Riyadh, illaa inta uu Sucuudigu dib uga qiimaynayo mowqifkooda ku saabsan dagaalka Ukrine,” wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey “intaas,ayaa nagu filan”