Maxay kawada xaajoodeen Xasan Shiikh iyo James Cleverly

Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Xoghayaha Arrimaha Debedda ee UK James Cleverly,ayaa khadka isgaarsiinta kaga wada hadlay Qodobo ay ka mid yihiin in la xoojiyo xiriirkaka labada Dal.

Xoghayaha Arrimaha Debedda UK,ayaa qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa Twitterka, wuxuu ku sheegay in dawladdiisu ay sii wadayso taageerada ay Somaliya ka siiso dhinaca la dagaalanka Ururka al-Shabaab.

Sidoo kale Xoghayaha arrimaha debedda ee Britian,ayaa sheegay in dalkiisu uu Somaliya ugu deeqay sannadkan in ka badan £50 Milyan oo lacagta ingiriiska ah, taasoo ay si gaara loogu qorsheeyey in lagu taageero shacabka Somaliyed ee dhibaataysan, gaar ahaan kuwa ay haysato..

1.Cunto yaraanta.
2.Biyo la’aanta.
3.Caafimaad la’aanta