Somali door ah oo ku Geeriyooday Doon Tahriib ah Xeebta Giriiga

Ugu yaraan 22 qof oo Somali ah oo u badan Dumar,ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen Xeebta dalka Giriigga, kaddib markii ay qallibantay Doon ay saarnaayeen.

Dadka dhintay,ayaa u badan Gabdho da’dooda lagu qiyaasay inta u dhaxeysa Labaatan ilaa Soddon iyo Afar sano jir.

Meydadka la helay waxaa sidoo kale ku jira Wiil Dhallinyaro ah oo da’adiisa lagu qiyaasay 15 sano jir iyo Nin Oday ah.

Doonta qallibantay waxaa la socday muhaajiriin isugu jira Somali iyo Ajaaniib.

Doobta,ayaa ka soo baxday dalka Turkiga, gaar ahaan Gobolka Izir, waxayna ku sii jeedday Giriigga.