W.Arimaha Gudaha PL iyo Xaafiiska Unsom oo kulmay

Garowe, October 11, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa,ayaa xafiiska ku qaabilay wakiil UNSOM u fadhiya Puntland Mr Guy Griffin.

Kulankaan,ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, wada shaqaynta Hay’adaha caalamiga ah iyo Hay’adaha kala duwan ee Dawladda Puntland iyo sidii loo dardargelin lahaa arrimaha Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee Hal Cod iyo Hal Qof.

Dhammaad.

Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.