Dagaal culus oo ka socda deegaanka Yasooman ee Hiiraan

Dagaal culus ayaa ka soconaya deegaanka Yasooman ee gobalka Hiiraan, kaas oo u dhexeeya Ciidanka Dawladda FS oo garabsanaya Macawisleyda deegaanka iyo maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu yimid kaddib weerar kooxda Al-Shabaab ku qaaday fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada dawladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsanayaa dagaalka. Dadka deegaanka ayaana sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay dagaal, wallow aan la ogeyn inta uu le’egyahay.

Wixii kasoo kordha nagala soco.

IDILNEWS