Tplf iyo Ciidamada Asiyas iyo Abiy oo dagaalo kharaar ka dhex socdaan

Ciidamada huwanta ah,ayaa weerar ku qaaday Ciidamada TPLF ee kusugnaa magaalada Badhaxle oo dhacda xadka Canfarta iyo Tigreega.

Dagaal adag oo saacado badan socday kadib Ciidamada Huwanta ah kuma guuleysan in Ciidamada TPLF difaacooda jabiyaan.

Labada dhinac,ayaa waxaa soo kala gaaray khasaare Lixaad leh.

Dhanka kale waxay dharbaaxo kulul kala kulmeen Ciidamada TPLF furimaha xadka Eretreya,taasoo keentay in ay dib uga baxaan Magaalada Shiraro waxayna haatan difaac ka xirteen Ciidamada TPLF meel 20-km ujirta Shire,

Ciidamada TPLF,ayaa weerar jawaab celin ah ku qaaday aroorti Magaalooyinka Soqoda iyo Walqayt oo ah xadka Sudan.

TPLF,ayaa Labadii Maalmood ee udanbeeyay ku daabulaysay  Kumaanan Ciidan oo aad uhubeysan Xadka Sudan.

Sidoo kale dagaalka,waxaa qeyb weyn ka ahaa Ciidamada TPLF  ee ku sugan gudaha Sudan,waxayna guula muhiim ah kagaartay dagaalkii shalay ee furimaha Xadka Sudan.