Qormo:-Doorka Dhallinyarada iyo Dimuqraaddiyadda Puntland

Dhalinyaradu waa indhaha, lafdhabarta Araxda iyo Addimmada ay Bulshadu wax ku aragto, taagantahay, qabsato, kuna dhaqdhaqaaqdo.

Sidaa awgeed Bulshadii dhallinyaro midaysan waydaa waa Bulsho indho la’a,curyaan ah islamarkaasna aan horumar noocuu noqdaba ku tallaabsan karin ama aan hiigsan karin.

Dhallinyaradu iyagaa mar kasta ah ubaxa birri masiirka Bulshada qabashadiisa laga filayo, haddana waa kuwa taaganta hanashadeeda leh oo wax u diidaya aysan jirin in ay qayb ka yihiin.

Haddaba doorkaas muuqda ee dhallinyaradu ay ku leedahay horumarka Bulshada, gaar ahaan Puntland maanta waa fursad ay awooddooda uga faa’iidayn karaan dadkooda iyada oo taas ay u sahlayso nidaamka dimuqraaddiyadeed ee curdinka ah kana mudan garab iyo gardaadin.

Waa in dhalinyaradu iyaga oo aan Oday iyo Qabiil dabadiis ku lammaansanayn si wadajir ah u taageeraan Geeddiga Caanaha leh.

Dimuqraadiyadu waa kanshada kaliya ee Dhslinyaradu ku rumayn karaan hiraalkooda iyaga oo aan danlay gaara qancin.

WQ.Caydiid.

geeddicaanoleh.