Jamhado Cusub oo Kusoo biiray Dagaalada sokeeye Ee ka socda Itoobiya

Magaalada Matama oo udhaxeysa Sudan, Eretereya iyo Itoobiya,waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaq Jamhadeed.

Qowmiyadaha Qamamtiga Iyo Gumus ee Deegaamada Amxaarada iyo Binishangulka,ayay kasoo jeedaan Jamhadaha weeraray Ciidamada Mileteriga Itoobiya.

Jamhadan,ayaa dhawaanahanba halkaas isku urursanayay,iyagoo fariisimo rasmi ahna ku leh  dhanka Sudan.

Matama,waa marinka Tahriibayaasha Somalida, Itoobiyaanka, iyo Eretereyaanka ay sii maraan marka ay usocdaan Liibiya.