Madaxweyne Xasan Shiikh oo socdaal qarsoodi ah ku Aaday Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa maanta safar qarsoodi ah ugu amba-baxay dalka Imaaraadka Carabta.

Ilo lagu kalsoon yahay,ayaa u xaqiijiyay Idilnews safarka Madaxweyne Xasan Shiikh ee Dubai,iyadoo laga reebay shaqaalaha hab-maamuska iyo xoghayntiisii gaarka ahayd.

Socdaalka Madaxweynaha DFS ee Imaaraadka Carabta,ayaa la xariira arrimo caafimaad, isagoo baaris caafimaad ku mari doona isbitaal ku yaalla Dubai.