MBS-ka Boqortooyada Sacuudiga oo ku Dab ku Ciyaaraya

Madaxweyne Joe Biden,ayaa Talaadadii wacad ku maray “Inuu jiri doono cawaaqib ku yimaada xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga”.

MBS isagoo ka faa’idaysanaya dagaalka Ukrain,ayuu rabaa in uu maamulka Biden ku saaro cadaadis in ay xiraan kiiska Dilkii Wariye Kharshooqi.

Balse MBS oo ah Nin Dhalinyaro ah oo aan lahayn khibrad weyn oo siyaasadeed,waxuu ku ciyaarayaa Dab khatartiisa leh.

Saakay Sacuudiga oo ahaa Sxb soo jireen ah oo reer Galbeed,waxuu umuujiyay in uu kusii dhow yahay in uu ka mid noqdo Tiirarka Sharta kuwa ugu xisaabsan reer Galbeedka.

Dadka xog ogaalka ah waxay leeyihiin MBS,waxiisu waa ciyaar ee waa og yahay xaqiiqda mana awoodo in uu dhab ka dhigo waxa uu jilayo.

Maraykanku qiimo weyn,ayuu uleeyahay Sacuudiga,gaar ahaan Qoyska reer Aala Sacuud ee talada dalkaas hantiyay.

Sidoo kale Maraykanku gorgortan kama galo Awooda Tamarta waxayna ku qiimaysan tahay Amniga Qaranka.

Jibril Qoobey.