Muxuu salka ku hayaa khilaafka soo ifbaxaya Ee Biden iyo MBS?

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in dhaxal-sugaha uu ansixiyey howlgal lagu soo qabto laguna dilo Khaashuqji, oo ahaa xog-ogaal Sacuudi ah oo isu beddelay dhalleeceeye, kaasi oo wakiilo Sacuudi ah ay ku dhex dileen kuna jarjareen qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Amiir Maxamed, oo uu dhalay Boqor Salmaan oo 86 jir ah, ayaa beeniyey inuu amray dilka balse wuxuu qiray inuu ku dhacay mas’uuliyaddiisa. Biden ayaa July sheegay inuu rumeysan yahay in amiirka uu mas’uul ka ahaa.

John Kirby, oo ah afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad, ayaa sheegay in Biden uu Congress-ka kala shaqeyn doono “sida uu xiriirka labada dal u ekaan doono hadda kadib.”

“Waxaan u maleynayaa inuu diyaar u yahay inuu billaabo wada-sheekeysiyadaas hadda. Uma maleynayo in tani ay tahay arrin u baahan in la sugo waqti fog,” ayuu yiri Kirby.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price ayaa sidoo kale Talaadadii sheegay in maamulka Biden uusan indhaha ka laaban doonin Iran, oo ah dal cadaawad kala dhaxeyso Mareykanka, sidoo kalena ay xifaaltamaan Sacuudi Carabiya, marka la sameynayo dib u qiimeynta.

Inta badan hubka Mareykanka uu ka iibiyo Sacuudi Carabiya ayaa la sameeyaa ayada oo maskaxda lagu hayo halista Iran ee gobolka.

“Waxaa jira caqabado amni, oo qaarkood ka imanaya Iran. Dhab ahaantii indhaheena kama xiran doono halista Iran ay ku hayso gobolka iyo meelo ka baxsan,” ayuu yiri Price.

Amiir Faisal ayaa sheegay in iskaashiga militari ee Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ay dan ugu jirto labada dal ba.

REUTERS