Xasan Sh oo U Olalaynaya heshiiskii Shidaal Ee Farmaajo laga hor istaagay

Farmaajo,ayaa doonayay in uu heshiis u saxiixo laba shirkadood oo Shidaal.

Saxiixii Heshiiskaas,waxaa ka hor yimid World Bank, IMF iyo Wasiirkii Maaliyada xiligaas Beyle.

Si gaar ah World Bank iyo IMF waxay soo saareen Qodobo cad oo ay ku tilmaameen caqabadaha loo baahan yahay in marka hore wax laga qabto intaan la saxiixin Shidaalka.

Sidoo kale Puntland iyo Jubaland heshiiskaas,qayb kama ahayn.

Shirkadaha Farmaajo la rabey in uu siiyo heshiiska Shidaalka,ayaa kala ahaa..

  1. Coastline Exploration (loo yaqaan SOMA OIL)
  2. Liberty Oil

Xasan Shiikh Maxamuud,waxuu ugu horeeyay Siyaasiyiintii sida xooga badan uga soo horjeeday saxiixa heshiiskaas oo ku doodaysay in Farmaajo uga faa’idaysanayo doorashada.

Hadaba Maanta maxaa isbadalay oo Madaxweyne Xasan ugu olalaynayaa saxiixa heshiiska Shidaal,iyadoo ay taagan yihiin caqabadihii shalay Farmaajo ka hor istaagay saxixa Heshiiskaas ?

Somaaliya waxay ku jirtaa xaalad adag oo Siyaasadeed sidaas darteed arrimaha masiiriga ah oo Shidaalku ugu horeeyo in aan lagu deg degin,ayay ubaahan tahay.!

Jibril Qoobey.