Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo soo xiray Carwadii Buugaagta Ee Nabada Gaalkacyo

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa soo xiray Bandhig Nabadeedka Buugaagta ee Gaalkacyo Peac Book Fair oo mudo laba maalin ah ka socday Magaalada Gaalkacyo.

Bandhigan oo sanadkii 2aad lagu qabanayo labada Geddi ee Magaalaa Gaalkacyo ayaa waxaa lagu marti-qaadaa Marti ka kala timaada Dalka gudihiisa iyo Dibada.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal oo khud-bad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey kulanka ayaa tilmaamay Muhiimada Nabada iyo wadajirka Bulshooyinka, Gudoomiyaha ayaa yiri ” Gaalkayo waxay ku jirtaa sanadaheedii ugu wanaagsanaa dhinacyada Horumar iyo Amniga, waa Magaalo kutaal kala barka Soomaaliya oo ah meel istiraatiijiya.

” Bulshooyin keedu waxay caan ku yihiin Isku-tashi inay wax ku dhistaan, si wada jira ayaanu Isaga kaashanaa Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada, shirar iyo kulamo joogtaa oo aan waxii soo kordha isaga waraysano ayaan leenahay, Dekada Garacad oo muhiim u ah Geeska Afrika ayaa dhamaad ku dhow, martida waxaan leenahay soodhawaada waa noo farxad inaad maalmo kooban halkaan nala joogteen, Ree Gaalkacyo waxay idinka rajaynayaan Fariin wayn oo Soomaalinimo xambaarsana inaad gaarsiin doontaan meeshii aad tag taanba “.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA MAAMULKA GOBOLKA MUDUG