MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDIGA DARDARGELINTA DOORASHOOYINKA PUNTLAND.
Garoowe: 13 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Wareegto Lr. 02, 13-ka Oktoober 2022, kuna saabsan Magacaabidda Guddiga Dardagelinta Doorashooyinka Puntland
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta Hannaanka doorshooyinka Dimuqraadiga ah ee Puntland
Markuu tixgeliyey: Go’aankii ka soo baxaya Shirkii 17-aad ee Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.
Markuu latashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.
Waxaa Guddiga Dardargelinta Doorashooyinka Dimuqaariga ah ee Puntland loo magacaabay Xunaha hoos ku xusan: –
- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda Guddoomiyeye.
- Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Xubin.
- Wasiirka Maaliyadda Xubin.
- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Xubin.
- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xubin.
- Wasiirka Warfaafinta Xubin
- Wasiirka Haweenka Xubin
- Wasiirka Waxbarashadda Xubin
- Wasiirka Caafimaadka Xubin
- Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Xubin
- Madaxtooyada Xoghayn
Guddigaan waxay u xilsaaran yihiin dardargelinta Doorashooyinka Punltland iyo fududaynta tasiilaadka looga baahan yahay Dowladda.
Fulin Wacan,
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.