Maxaa looga xaajooday Shirkii Khamiislaha Ee Golaha Wasiirada Puntland?

Garoowe: 13 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, waxaana ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland, Nabadeynta deegaannada Saaxmaygaag iyo Sangajebiye iyo warbixinta xubno ka mid ah Wasiirada oo safaro ku tegay Gobollada Puntland iyo dalka dibadiisa.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND