Ra’iisul Wasaare Xamze oo ku wajahan deegaanada Somalida Itoobiya & Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre,ayaa maanta socdaal maalmo qaadan doona ugu amba-baxaya dalalka Itoobiya, iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Xamse,ayaa safarkiisa ka bilaabi doono caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, isagoo sidoo kale booqasho ku tagi doona magaalada Jigjiga ee xarunta Deegaanka Somalida Itoobiya.

Intaa kaddib, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u gudbi doona dalka Kenya, isagoo tagi doona magaalada Gaarisa ee Gobalka Waqooyi Bari Kenya.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay safarka Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre uu ka tagayo magaalooyinka Jigjiga iyo Gaarisa, oo ay degto beesha uu kasoo jeedo ee Ogaadeen.

Ka bixitaanka dalka ee Ra’iisul Wasaare Xamze ayaa kusoo aadaysa xilli ay horey uga maqnaayeen Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo safar qarsoodi ah arbacadii ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo maalmo ku maqan dalka Netherlands.