Eretereya miyaa hortaagan wada hadalada TPLF iyo Itoobiya?

Iskudayo la rabay in lagu wada hadal siiyo dhinacyada ku dagaalamaya itoobiya,ayaa fashilmay,waxaana sanadkii 2-aad socdo dagaalka.

Marka laga yimaado dhaleeceynta iyo eedaha ay isku jeedinayaan dhinacyada,waxaa xaqiiqo ah in burbur, dhimasho, barakac, iyo waxyeelooyin badan ay geysteen kooxahan iska soo horjeeda.

Hadaba Dalalka badan ee dagaalka Waqooyiga itoobiya ku hawlan danahoodu hakala duwanaadaane waxaa ugu saameyn badan Dalka Eretereya oo dagaalka qeybka ah,islamarkaana Ciidan iyo Hub badan kaga burbureen.

“Isayaas Afawerki wuxuu doonayaa oo uu ka shaqeynayaa in ay Itoobiya burburto rabitaankiisu waa inuu Itoobiya wiiqo”Sidaa,waxaa yiri Getachew Reda oo ka hadlayay dagaalka socda.