Kulan lagu dardargelinayo Doorashooyinka oo ka dhacay Garowe

Garowe, October 13, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa magaalada Garowe ka daahfurey kulan ku saabsan dardargelinta hannaanka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland.

Kulankaan oo ay kasoo qaybgaleen xubno ka mid ah Golaha xukuumada, Golaha Shacabka, Odayaasha dhaqanka, Bulshada Rayidka ah, Haweenka, Dhallinyarada, aqoonyahanka iyo guud ahaan Bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa waxaa daahfurey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Barnaamijkaan oo hal ku dhigiisu ahaa Go’aami masiirkaaga oo codkaaga ku dooro Golahaaga Deegaanka ayaa waxaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda, taas oo nuxurkeedu ahaa in la dardargeliyo barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland ee hal cod iyo hal qof si loo dhamaystitro Doorashada Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland.

Dhammaan ka qaybgalayaashi kulanka ayaa si ku mid ah u soo dhaweeyey hannaanka dimuqraadiyeynta Puntland kaas oo lagu dhamaystitro Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland.

Dhammaad.

Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.