Madaxweyne Deni oo Qado usameeyay Isimadii ku hawlanaa colaadii Saaxa Meygaag

Garoowe: 14 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan Qado ah la qaatay Isimada iyo Waxgaradka ka shaqeynayay nabadeynta deegaannada Saaxmaygaag iyo Sangajebiye.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Isimada, Halka ay marayso nabadeynta colaadii ka dhacday Saaxmaygaag iyo Sangejebiye iyadoo Dowladu dhinaceeda marwalbo dadaal ku bixinayso sidii nabad loogu soo dhameyn lahaa arrintaasi loona soo afjari lahaa.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.