Xirirka Itoobiya iyo Ireland Oo qarka usaaran in uu jarmo

Dawlada Itoobiya,ayaa ugu hanjabtay Wadanka Ireland in ay ujareyso xiriirka hadii ay siiwadaan falal ay kusheegeen in ay lid ku yihiin Qaranimada dalkeeda.

Wadanka Ireland oo ka tirsan Wadamada Sxb-ka dhaw la’ah Ururka TPLF,ayaa wada Olale taageero heer caalami ah ay ugu raadinayso Ururka TPLF.

Sarkaal uhadlay Dowlada Itoobiya,ayaa sheegay in ay Ireland fagaarayaasha caalamka kusoo bandhigtay falal ka dhan ah madax banaanida iyo Qaranimada Dowlada Itoobiya islamarkaana ay TPLF umuujisay dhibanayaal xusuuq isir lagu hayo.taaso xaalada dagaalka xumeynaysa.

Danjire Ridwaan Xuseyn oo ah Lataliyaha Amniga ee RW Abiy iyo Xoghaya Gudida Wada hadalada TPLF iyo xukumada,ayaa bartiisa Twitterka ku baahiyey waraaq kasoo baxday xafiiska RW JDFI uguna gudbiyey eedeyn iyo digniin Dowlada Ireland.

Ridwaan,ayaa sheegay in safaarada Ireland ee Addis Ababa ay TPLF ugudbisay taageero dhaqaale iyo mid Hub si qarsoodi ah.

“Waxaan haynaa cadeymo sawiro Sateliteka lagu qaaday oo muujiyanaya taageerada ay Dowlada Ireland  udirtay TPLF”Ayuu yiri Ridwaan.

Dowlada Ireland weli kama aysan hadlin eedeymaha loosoo jeediyay.