Golaha Amniga Puntland oo la yagleelay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-Guddoomiyey Shirkii ugu horeeyay ee uu isugu yimaado Golaha Amniga Puntland.

Kulanka ayaa ku saabsana kala warqaadasho Amni, Iyadoo Goluhu uu ka hadlay xaaladda Guud ee Amniga Puntland Gudaha iyo dibadda iyo hannaanka horumarsan ee Goluhu uga shaqeynayo Amniga iyo qorsheyaasha lagu sii horumarinayo.

Shirka oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiirada Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Cadaaladda, Teliyayaasha Ciidamada Daraawiishta, Booliska, Asluubta , Nabad sugidda iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga iyo Ciidanka.

GOLAHA AMNIGA PUNTLAND

  1. Madaxweynaha (Guddoomiye)
  2. Madaxweyne Ku-xigeenka
    (Guddoomiye Ku Xigaanka)
  3. Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR (Xubin)
  4. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda (Xubin)
  5. Wasiirka Maaliyadda (Xubin)
  6. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta (Xubin)
  7. Wasiiru Dowaha Madaxtooyada (Xubin)
  8. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta (Xubin)
  9. Taliyaha Ciidanka Booliska (Xubin)
  10. Taliyaha Ciidanka Asluubta (Xubin)
  11. Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda (Xubin)
  12. Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga iyo Ciidanka (Xubin)

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND