Putin oo si cad u sheegay in uusan u baahnayn wadahadal uu la yeesho Biden

Madaxweyne Vladimir Putin,ayaa si cad u sheegay in uusan u baahnayn wadahadal uu la yeesho Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.

Xilli uu la hadlayay warbaahinta xilli uu booqasho ku jooday magaalada Astana ee dalka Khazakhstan, wuxuu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ku jirto in uu diyaar u yahay in uu la kulmo Biden iyo in kale.

“Waa in aan weydinnaa inuu diyaar u yahay inuu wada hadal noocaas ah ila yeesho ama in kale, haddii aan runta sheego, uma arko in wax baahi ah loo qabo arrintaas”

Wuxuu sidoo kale in qorshaha cidan uruursiga Ruushka ee uu horraan ku dhawaaqay uu ku dhow yahay in la dhaqangeliyo.

Dhawaan ayay aheyd markii madaxweynayaasha dalalka Ruushka iyo Turkiga, Vladimir Putin iyo Recep Tayyip Erdogan ay yeesheen wada hadallo dhinac socday shir-madaxeedkii ka socday Kazakhstan, iyagoo ka wada hadlay dagaalka Ukraine iyo duqeymaha.

Labada nin waxay kulmeen dhowr jeer, iyadoo Mr Erdogan uu u soo bandhigay inuu dhexdhexaadiyo Moscow iyo Kyiv, ka dib markii ay burbureen wadahadalladii bishii Maarso.

Ruushka,ayaa ku qaaday weeraro Gantaallo ah oo xiriir ah xarumaha kaabayaasha muhiimka ah ee gobolka Kyiv.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky,ayaa codsaday taageero dheeri ah oo dhanka difaaca hawada ah intii lagu jiray khudbad uu ka jeedinayay golaha Yurub.