Sawirro: Muxuu Ra’iisul Wasaare Xamze kaga hadlay khudbada uu ka jeediyay Tana Forum ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa khudbad dheer ka jeediyay madasha Tana Forum oo sanadkan si gaar ah looga hadlayay sidii loo maareyn lahaa khataraha amniga ee soo wajahaya qaaradda Afrika.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay si caqabadaha heysta qaaradda wax looga qabto inay muhiim tahay bulshooyinka oo ah kuwa awoodda isbeddelka keena laga qaybgaliyo iyo in xoogga la saaro qaabkii la isugu xiri lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xamse waxa uu tusaale u soo qaatay maahmaahda Soomaaliyeed ee ah “Rag Gogoshii Waa Nabad” taasi oo uu sheegay inay aasaas u tahay horumarka bulshooyinka qaaradda Afrika.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku shaqeyneyso Hiigsiga Soomaali Heshiis Ah, Dunidana Heshiis La Ah, iyadoo ahmiyadda siineysa nabadda iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in Amniga ka sokow dhibaatooyinka heysta qaaradda ay ugu weyn yihiin saameynta isbeddelka cimilladu ku keentay dalal fara badan – oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Waxa uu ka hadlay guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen la dagaallanka argagixisada oo Mudane Xamse uu sheegay in dhul baaxad weyn oo boqolaal kilomitir ah laga xorreeyay dhawrkii toddobaad ee ugu dambeeyay.

Mudane Xamse waxa u sheegay in dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeedba ay go’aansadeen sidii dalka looga ciribtiri lahaa al-Shabaab iyada oo lagala dagaallamayo dhinac militeri, dhaqaale iyo fikirba.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Hoggaamiyeyaal iyo madax kale oo ka socota qaaradda Afrika iyo hey’ado caalami ayaa lagu wadaa in berri la soo gabagabeeyo.