Somaliland oo Wasiiro iyo Ciidan usoo dirtay Badhan iyo Dhahar

Maamulka Somaliland waxa ay amar ku siiyeen 2 -da Wasiir ee kala ah Mustafe Godone iyo Axmed Aadan Guray in ay tagaan Magaalooyinka Badhan iyo Dhahar.

Badhan,waxaa laga dareemaayay beryahan khal-khal ay wadaan kooxo Somaliland ku adeegato oo ku mashquulsan iska horkeenka Bulshada iyo Maamulka Puntland.

Kooxahaasi waxay si hoose ugu qoreen Somaliland Maleeshiyo gaaraysa ilaa 100-Nin.

Ujeedku,waa in Qalin daar iyo furin cusub lagu furo Puntland.

Ciidanka Kalgubataale jooga ee Puntland Talyaha xukuma,waa isku Qoys weliba xidid ah mid ka mid ah Wasiirada.

Ina Godone waa ku dhacaa inuu Badhan yimaado,sababtoo ah koox ka jirta Magaalada oo ka qaraabata Labada dhinac,ayuu ku xiran yahay.

Balse Dhahar,waxaa la filayaa in iska caabin uu kala kulmo Wasiir Gurey,sababtoo ah siyaasiyiin Puntlander-ka ah ayaa ku xoogan sida, Siciid Xasan Shire, Cabdi jamaal iyo kuwa kale.

Labada Wasiir waa kasoo bexeen Hargaysa,waxayna Galabta ku soo wajahan yihiin Ceeri-gaabo amarka lasoo siiyay waa in ay tagaan Labadaas Magaalo.

Ciidankii Puntland usoo tababartay Gobolka hawlgaladii Bososo,ayaa horay loogu qaaday dibna looguma soo celin.