Gudomiyaha Midowga Africa Oo lahadlay dhinacyada isku haya Dagaalka Itoobiya

Musa Faki Maxamad Gudomiyaha Midowga Africa,ayaa Dawlada Itoobiya iyo Ururka TPLF ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka shuruud la’aan.

“Kahor intaan la bilaabin wada hadalada,waa in la joojiyaa dagaalka si hawlaha gargaarka ah loo gaarsiiyo Dadka ku waxyeeloobay dagaalada Waqooyiga ee aan helin dhamaan adeegyadii asaasiga ahaa”Ayuu yiri Musa Faki.

Hadalka Musa Faki,ayaa kusoo beegmaya xili shalay Magaalada Shire lagu dilay Sargaal ka tirsan Hayada IRC oo halkaas ka waday hawlo gargaar oo lagu badbaadinayo Dadka jilicsan gaar ahaan Haweenka iyo Caruurta dirirtu ka dul socoto.