Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddoomiyey Shirka Guddiga Dardargelinta Doorashooyinka Puntland oo yeeshay Shirkoodii ugu horeeyay.
Kulanka ayaa looga hadlay waxyaabaha hortebinta u leh dardargelinta Doorashooyinka Iyadoo warbixin laga dhegaystay xubnaha Golaha Wasiirada ee kala duwan ee ka tirsan Guddiga, sidoo kale Kulanka waxaa lagu qaabeeyay qorsheyaasha shaqo ee lagu dadargelinayo Doorashooyinka.







