250-Arday oo ka Qalinjabiyay Jaamacada Bariga Afrika Ee Garowe

Garoowe: 17 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabadda dufcadii 10-aad ee Ardayda ka qalinjebisay Jaamacadda Bariga Africa xarunteeda Garoowe, Ardaydan oo tiradoodu ka badantahay 250 arday ayaa bartay aqoon heerkeedu yahay Diploma , Degree iyo Master.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka waxbarasho ee ay wadaan Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, Jaamacada Bariga Africa iyo dhammaan xarumaha kale ee Waxbarashada isagoo muujiyay in Dowladdu muhiimad gaar ah siinayso in la dhiso Aqoonta Bulshadeena, wuxuuna gaar ugu amaanay Jaamacadda Bariga Africa dhabar adeyga iyo adkeysigooda duruufaha kala duwan ee ay ku soo shaqeeyeen si ay usoo saaraan Jiil waxbartay.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa Shahaadooyin guddoonsiiyey qaar ka mid ah Ardayda ka qalinjebisay maanta Jaamacadda Bariga Africa, wuxuuna kula dardaarmay in aqoonta ay barteen ay uga faa’ideeyaan dalkooda iyo dadkooda, marwalbana ku dadaalaan doorkooda Bulsho in uu noqdo mid wax dhisa oo ay ka qeyb qaataan horumarka dhinac walba.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.