Ilo Madax banaan oo xaqiijiyay qabsashada Ciidamada Huwanta Ee Magaalada Shire

Ciidamada federaalka Ethiopia oo kaashanaya kuwa Eretereya,ayaa Isniintii gacanta ku dhigay magaalada Shire ee ku taalla dhinaca woqooyi galbeed ee Gobolka Tigray, sida ay xaqiijiyeen Afar ilo wareed oo ah kooxaha qaabilsan gargaarka bini’aadanimo oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP.

Dhinaca Tigraygu wax jawaab ah kama bixin arrintan.

Magaaladan Shire ayaa marti gelisay dad badan oo barakacayaal ah, waana xaruntii ugu weynayd ee ay ciidamada dawladdu gacanta ku dhigaan beryahan.

Deegaanka Shire oo maalmihii lasoo dhaafay ay dagaallo culus ku dhexmareen dhinacyada dagaalamaya,ayaa ah goobta Jimcihii lagu dilay shaqaale ka tirsan Guddiga samatabixinta caalamiga ah (IRC) oo gargaar qaybinayay.

Masuuliyiinta dalka Ethiopia,ayaa Isniintii sheegay inay doonayaan inay si degdeg ah gacanta ugu dhigaan garoomada diyaaradaha iyo kaabayaasha kale ee Gobolka Tigray.

Bayaankan ayay soo saareen ka dib markii ay sheegeen inay qabsadeen magaalo ku taalla gobolka Waqooyi ee ay colaaduhu ka taagan yihiin.