Madaxweyne Xasan Sheekh oo kusoo laabtay Muqdisho, kaddib baaritaankiisii caafimaad

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii lasoo dhaafay ku maqnaa socdaal qarsoodi ah oo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Idilnews ayaa ogaatay in safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dubai oo qaatay afar maalmood uu la xariiray arrimo caafimaad, kaddib xanuuno soo foodsaaray Madaxweynaha, isagoo baaritaano ku maray isbitaal ku yaalla dalkaas.

Fiidnimadii xalay Madaxweynaha ayaa ka dagay qeybta diyaaradaha Beesha Caalamka ee ku yaalla gudaha garoonka Aadan Cadde, waxaana la sheegay in safarkiisa ay ku wehlinayeen xubno kamid ah qoyskiisa oo kaliya.

Si rasmi ah looma oga xaalada caafimaad ee uu wajahayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana intii uu joogay xukunka tan iyo 15kii May oo marar badan dalka dibeddiisa iyo gudaha Madaxtooyada Villa Somalia ku maray baaritaan iyo hubin caafimaad.