Qaramada Midoobey oo digniintii ugu adkayd kasoo saartay xaalada Waqooyi Itoobiya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Isniintii ka digay in xaaladda woqooyiga Ethiopia inay u muuqato “mid faraha ka sii baxaysa”, isagoo sheegay inaanay tallaabo milateri xal u noqon karin colaadda ka jirta gobolkaas.

“Rabshadaha iyo burburku waxay gaadheen heer aad looga naxo, qaab nololeedkii bulshadu wuu burburay” ayuu yidhi xoghaye Guterres, xilli uu ku sugnaa mid ka mida xarumaha Qaramada Midoobay. “Colaadda ka jirta gobolka Tigray ee dalka Ethiopia waa in haatan la soo afjaraa – iyada oo ay [ku jiraan tallaabooyinka ay tahay in la qaado] ka bixitaan degdeg ah iyo in dhulka Ethiopia laga saaro ciidamada hubaysan ee Eriteria” ayuu sii raaciyey.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in beesha caalamku inay tahay inay isu yimaadaan si loo soo afjaro colaadda muddada labada sano ah ka socotay dalka Ethiopia, taasoo ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen kumanaan qof, halka ay malaayiin kalena ay qarka u saaran yihiin macaluul.

“Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay inay taageerto dedaalada Midawga Afrika si kasta oo suurtogal ah, si loosoo afjaro colaaddan murugada ku reebtay shacabka Ethiopia” ayuu yidhi, isaga oo hadalkiisa ku daray “Waxaan u baahanahay in si degdeg ah dib loogu bilaablo wadahadallo wax ku ool ah oo horseedi kara hannaan siyaasadeed oo waara”.

Baaqa xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa qayb ka ah, bayaan uu soo saaray guddoomiyaha Midawga Afrika Mousa Faki Mahamat, oo sabtidii isaguna ku baaqay in la dhaqan geliyo xabadjoojin cusub iyo in dib loo bilaabo adeegyada bini’aadanimo.

Dublamaasiyiinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in saddexda ergay ee Afrikaanka ah — ee ka kala socda Gabon, Ghana iyo Kenya — inay codsadeen kulan gaar ah oo degdeg ah, si ay warbixinno uga helaan Midowga Afrika iyo waaxda bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay.

Dowladda Itoobiya ayaa Isniintii sheegtay inay ka go’an tahay in si nabad ah lagu xalliyo colaadda iyadoo loo marayo wadahadal uu hoggaaminayo Midowga Afrika, halka xukuumadda gobolka Tigray ay sheegtay inay ixtiraamayso baaqa Midowga Afrika ee xabbad-joojinta degdegga ah.

Dowlada iyo Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa wali ku heshiinin cida hogaaminaysa hannaanka wadahadalka. Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa hadda ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika.

Wadahadallada nabadeed ee la qorsheeyay in bishan ka furmaan dalka Koonfur Afrika ayaa guul daraystay ka dib markii la isku fahmi waayay arrimo farsamo iyo dhinaca saadka.