Ra’iisul Wasaaraha XFS oo lagu soo dhaweeyay Jigjiga + Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka dayaaradaha Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mudane Mustafa Cumar, masuuliyiin ka tirsan dowlad deegaanka iyo dadweyne aad u fara badan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadli doona sidii la isaga kaashan lahaa arrimo dhawr oo muhiim ah oo ay ugu horreyso la dagaallanka argagixisada.