Daahir Mire Jibriil oo ka digay carqaladeynta Dilmuquraadiyadda Puntland

Daahir Mire Jibriil, oo kamid ah asaasayaashii dawladda Puntland ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka Puntland in si buuxda loo taageero, loogana qeybqaato hirgelinta nidaamka dilmuquraadiyeynta Puntland.

Wareysi uu siiyay Puntland TV/Radio, ayuu Daahir Mire ku sheegay in nidaamkan uu muhiim u yahay jiritaanka dawladnimada iyo midnimada Puntland, uuna yahay mid kamid ah qodobadii bud-dhiga u ahaa asaaska dawladda Puntland.

Sidoo kale, Daahir Mire Jibriil ayaa xusay in ay tahay wax aan la qaadan karin in la mucaarado hannaanka dilmuquraadiyeynta, isagoo uga digay siyaasiyiinta reer Puntland in caqabado iyo jahwareerin lagu sameeyo hannaankan oo ah mid qaneeco iyo wadajir u horseedaya dadka reer Puntland oo qaarkood aan matalaad siyaasadeed ku laheyn Puntland, tan iyo asaaskeedii 24 sano kahor.

Qurbajoogta Reer Puntland ayaa u soo jeediyay inay u kacaan nidaamkan, ayna gacan ka geystaan hirgelintiisa, isagoo dhanka kale ugu baaqay dawladda inay sameyso arrimaha hortabinta u leh ka dhabeynta dilmuquraadiyeynta Puntland, ayna talagaliso dadka aqoonta u leh hannaankan.