Beesha Caalamka oo u ballanqaaday Puntland taageerada Dilmuquraadiyeynta + Sawirro

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirweyne ay Beesha Caalamka iyo Dowladda Puntland isugu yimaadeen, Kaasi oo ay kasoo qeybgaleen wafdi ka socda saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, ayna qeyb ka yihiin Safiirada Maraykanka, Ingiriiska, Sweden, Midowga Africa, Midowga Europe, Norway iyo IGAD.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddiga dardargelinta Doorashooyinka Puntland ee heer Wasiir, Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Waxaa kulankan ujeedkiisu ahaa oo looga hadlay Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee dhowaan ka dhacaya degmooyinka Puntland, Guddiga Doorashooyinka Puntland TPEC ayaa Shirka la wadaagay meesha wax u marayaan iyo farsamo ahaan in ay diyaar u tahay qabashada Doorashada Goleyaasha deegaanka, Xukuumaduna waxaa ay soo bandhigtay tallaabooyinkii dardargelinta ah ee ay qaaday iyo in ay ka go’antahay in ay dhacdo Doorasho Gole deegaan oo ku dhacda Jawi ku xasiloon , loo dhanyahay Laguna tartami karo.

Dhinacooda wakiillada Beesha Caalamka waxay muujiyeen in ay ka go’antahay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay la garab taaganyihiin hirgelinta nidaamka Doorasho ee Goleyaasha deegaanka ee Puntland.

Waxaa la isla qaatay Doorashada Goleyaasha deegaanka ee Puntland in ay muhim u tahay, Daadejinta awooda iyo kheyraadka iyo hirgelinta nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya, hadii ay Puntland ku guuleysatona waxay noqon karta wax Soomaaliya laga hirgelin karo.

Sidoo kale Dowladda Puntland Beesha Caalamka ayaa wada yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha Puntland, sida Amniga, Abaaraha, Dowlad wanaaga iyo Mashaariicda horumarin.