Jubbaland iyo Midowga Yurub oo ka wada-hadlay lacag helida Xalka Waara

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa maanta kulan la qaatay madax kaso socotay Midowga Yurub oo ugu horeeyo Madaxa Mashaaricda, socdaalka iyo barakaca Mr. Anders GUETTOU iyo Madaxa isu tagga Hay’adda ka shaqeeya arrimaha xalka Waara (Durable Solutions) iyo Hay’adda Qaramida Midoobay ee IOM.

Madaxda ayaa kawada hadlay dardargalinta, isku duba ridka iyo lacag u helidda mashaaricda Xalka Waara. Midowga Yurub ayaa balan qaaday in Jubbaland la garab istaagi doonto taageeridda mashruucan.

Masuuliyiinta Jubbaland ayaa sidoo kale ka codsaday Midowga Yurub in ay iska kaashaadaan arrimaha Amniga, mashaaricda xasilinta iyo dhismaha Golayaasha Deegaanka.

Ugu dambeyntii wafdiga Midowga Yurub ayaa soo dhaweeysay ugana mahadceliyey ka go’onaashaha Jubbaland iskaashiga Midowga Yurub.