Madaxweyne Deni oo kulan la leh Wafuud ka socota Beesha Caalamka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la leh wafuud ka socota safaaradaha Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo Ururrada caalamiga ah.

Kulanka oo horrey uu ugu casuumay Beesha Caalamka iyo Ururrada caalamiga Madaxweyne Siciid Deni, ayaa looga hadli doonaa hannaanka dilmuquraadiyeynta Puntland.

Si gaar ah, kulanka ayaa diirada loogu saari doonaa doorashooyinka qof iyo codka ah ee Golayaasha deegaanka, iyo siddii Beesha Caalamku gacanta uga geysan laheyd taageerada nidaamkan.

Puntland ayaa doorashooyin hordhac horrey uga hirgelisay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, shacabka degmooyinkaas ayaana soo doortay xubnaha ku matalaya Golayaasha deegaanka.

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa hadda wada qiimeynta 37 degmo, oo dhowaan ay gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, kuwaas oo lagu qabanayo doorashooyinka qof iyo codka ah, oo la filayo inay dhacaan ilaa bisha May ee sanadkan.