Booliska Puntland Oo Aqoonsaday Dhalinyaro Jidgooyo ku samaysay Gudiga Seejooyinka Cod bixiyayaasha

Shantan Nin waa kuwii Jidka udhaxeeya Garowe iyo Dangoronyo ugalay Gudigii loo diray qiimaynta Seejooyinka Cod bixiyayaasha oo Waraaqaha,iyagoo gubaya iska soo duubay.

Magacyadooda,ayaa kala ah:-

1.Abaadir Cidey Boos.
2.Mahad C/llaahi Fiiqey.
3.Fanax Cali Gurey.
4.Indho Khamro Sanco.
5.Jamiiko Jaamac Dabaleeb.

Hal Nin,waxuu ka tirsan yahay Ilaalada gaarka ah ee Wasiirkii hore Maaliyada Xasan Shire Abgaal.

Afarta kale waxay ka tirsan yihiin ilaalada gaarka ah ee Cabdi Yare Talyihii hore ee Booliska Puntland.

5-tooda Magac,waxaa loo gudbiyay Taliska Booliska heer Fadaraal,Interpole iyo dhanaan xarumaha danbiyada la dagaalama.