Buundadii Buule-barde oo Qarax lagu burburiyay

Warrarka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ,ayaa sheegaya in Gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rarray lagu burburiyay qayb kamid ah Buundada muhimka ah ee dul marta Webga Shabelle ee dhexmara magaalada Buulo-Burde.

Burbur xoogleh,ayaa gaaray Buundada, oo ah marin muhima oo isku xira Gobollada Konfureed iyo kuwa Waqooyi ee wadanka.

Khasaare dhimashi iyo dhaawacba leh,ayaa la soo weriyay in weerarka isqarxinta ah uu keenay, laakiin illaa hadda tiro rasmi ah lama soo sheegin.

Al-Shabaab,ayaa la rumeysan yahay in burburinta Buundada ay uga gol leeyihiin inay ku hakiyaan duulaanka ka dhanka ah iyaga ee ka socda Gobollada Dhexe.