Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo gaaray Dhagaxbuur

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre iyo wafti uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga Dawlad deegaanka Soomaalida ayaa maanta gaaray magaalada Dhagaxbuur ee caasimadda gobalka Jarar.

Ra’iisul Wasaare Xamze Barre oo uu wehlinayo Madaxweynaha DDS Mustafe Muxamed Cumar (Cagjar) ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Dhagaxbuur, waxaana bannaanka magaalada uga hortagay boqolaal shacab ah, kuwaas oo qaarkood ku labisnaayeen dharka calanka Soomaaliya.

Inta uu ku sugan yahay Dhagaxbuur Ra’iisul Wasaare Xamze ayaa kulan la yeelan doona Shacabka iyo waxgaradka magaalada Dhagaxbuur.

Xamze Cabdi Barre ayaa ah masuulkii labaad oo Soomaaliyeed, kaas oo booqasho ku taga dhulka Soomaali Galbeed.