Putin oo xaalad dagaal ku soo rogay afar gobol oo uu Ukraine ka qabsaday

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay xaalad dagaal oo lagu soo rogay afar gobol oo Ruushku dhowaan ka qabsaday dalka Ukraine, xilli ay ciidmada dalka Ukraine ay isku deyayaan inay dib u qabsadaan gobolladaasi.

Putin ayaa fadhi fogaan arag ah oo uu yeeshay Golaha Ammaanku, ku sheegay inuu saxeexay go’aan ku saabsan in xaalad dagaal lagu soo rogo gobollada Ukraine laga qabsaday ee Donetsk, Luhansk, Kherson, iyo Zarporizhzhia, kuwaas oo dhammaantood uu Ruushku si sharci darro ah ugu daray dalkiisa.

Putin faahfaahin badan kama bixinin tallaabooyinka xiga ee la qaadi doono, ka dib xaaladda dagaal ee gobolladaas lagu soo rogay. Putin ayaa sheegay in amarka ku saabsan xaaladda dagaal inuu dhaqan gelayo saqda dhexe ee Khamiista. Wareegtadiisa ayaa faraysa laamaha ammaanku inay muddo saddex maalmooda ku soo gudbiyaal qorshayaal gaar ah.

Talaabada Putin ayaa ku soo beegantay iyadoo hogaamiyaha Ruushka ee gobolka Kherson ee koonfurta Ukraine uu sheegay inay bilaabantay daadguraynta tobanaan kun oo qof oo rayid ah iyo masuuliyiinka ay Moscow u magcawday deegaanadaas.

Dhanka kale, Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa ka codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu ka doodo arrinta la xidhiidha, in Ruushku uu dagaalka Ukraine u isticmaalayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu sameeyo dalka Iran.

VOA