Ra’isalwasaarihii Uk oo iscasishay 44-casho kadib

Liz Truss ayaa maanta sheegtay inay iska casileyso xilka ra’iisul wasaaraha Britain, ayada oo noqoneysa ra’iisul wasaarihii ugu muddada gaabnaa taariikhda Britain.

Truss ayaa waxaa la degay barnaamijkeeda dhaqaalaha, kaasi oo mowjado argagax ah u diray suuqyada dhaqaalaha, islamarkaana kala qeybiyey xisbiga Conservative-ka lix toddobaad un kadib markii xilka loo magacaabay.

Doorashada hoggaan cusub ayaa lagu soo geba-gebeyn doonaa toddobaad gudihiis.

Ayada oo ka hadleysa dibedda xafiiska 10 Downing Street, ayaa Truss waxay aqbashay inay awoodi weysay inay kasoo baxdo ballan-qaadyadii ay sameysay markii ay u tartameysay hoggaanka Conservative-ka, ayada oo lumisay aaminaadda xisbigeeda.

“Waxaan garowsanahay, ayada oo la eegayo xaaladda, inaan kasoo bixi waayey waajibaadkii uu ii doorta xisbiga Conservative-ka. Sidaas darteed waxaan la hadlay Boqorka kuna wargeliyey inaan iska casilayo hoggaanka Xisbiga Conservative-ka,” ayey tiri.

“Saaka waxaa la kulmay guddoomiyaha Guddiga 1922, Sir Graham Brady. Waxaan isku raacnay inay jiri doonto doorasho hoggaan cusub oo lagu dhameyn doonoo toddobaadka soo socda gudihiis. Tani waxay xaqiijin doontaa inaan ku taagnaano waddada aan kusoo gudbineyo qorshayaasheena dhaqaale kuna joogteyneyno xasilloonida dhaqaale iyo amniga qaranka dalkeena.”

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Labour-ka Keir Starmer ayaa dalbaday doorasho guud oo dalka ka dhacda hadda.

REUTERS